William Saliba Oo Arsenal Ka Caawin Kara Saxiixa Ben White, Qaab Noocee Ah?

Kooxda Arsenal ayaa dajisatay qorshe ay ku doonayso saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Brighton kaas oo ay u aragto badalka David Luiz kaas oo ka tagay kooxda kadib markii uu dhamaaday heshiiskii uu kula jiray kooxda.

Kooxda Arsenal ayaa laga diiday dalab 45 milyan ah oo ay ku doonaysay saxiixa daafaca dhexe ee Ben White kaas oo xulka qaranka England ugala qayb galaya tartanka Euro 2020.

Gunners ayay ka go’antahay in ay hesho saxiixa daafaca dhexe ee reer England kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiyaan daafaca dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal diyaar u tahay in ay Brighton u dirto xiddiga William Saliba Si uu uga qayb noqdo heshiiska ay ku doonayso daafaca Ben White.

Daafaca William Saliba ayaan ka mid ahayn qorshaha Mikel Arteta waxana ay doonaysaa kooxdu in ay u adeegsato helitaanka saxiixa xiddiga Ben White kaas oo diyaar u ah in uu ku biiro Arsenal.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Faa’iidada Ugu Weyn Ee Kulanka Sariirta Oo Daraasad Lagu Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*