Arsenal Oo Dajisatay Qorshe Ay Barcelona Kaga Doonayso Saxiixa Griezmann.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga reer France ayaa inta badan ku dhibaatooday xilli ciyaareedkan tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Barcelona xagaagii kagana soo biiray Atletico Madrid.

Xiddiga Griezmann ayaa dhaliyay 14 gool xilli ciyaareedkan laakiin xiddiga 29 jirka ah ayaa kaydka galay kulamadii ugu dambeeyay ee kooxdiisu ciyaartay horyaalka La Liga.

Sida laga soo xigtay The Express, Arsenal ayaa si dhow isha ugu heysa xaalada weeraryahanka ee Camp Nou waxana ay isku dayi doonaan in ay u dhaqaaqaan saxiixiisa suuqa xagaaga.

Wararka ayaa xitaa sheegaya in ay Arsenal xiddigaha Matteo Guendouzi & Pierre-Emerick Aubameyang u isticmaali doonto soo xero galinta xiddiga Griezmann.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*