Arsenal Oo Dagsatay Qorshe U Sahalaya Saxiixa Philippe Coutinho

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay heshiis amaah ah oo qaali ah kuna kacaya 27 milyan oo euro kula soo wareegto kubad sameeyaha Barcelona Philippe Coutinho.

Inkasta oo ay doonayso in ay iska iibiso xiddiga waliba si toos ah laakiin kooxaha reer Yurub ayaan diyaar u ahayn in ay bixiyaan lacagta ay ku doonayso Barcelona xagaaga.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Arsenal doonayso in ay heshiis amaah ah ku dalbato xiddiga reer Brazil dibna ugu soo celiso horyaalka premier League.

Arsenal la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay Barcelona miiska u saarto lacag dhan 27 milyan oo euro ah taas oo ay hal xilli ciyaareed ku ahysan doonto xiddiga.

Sii kale Coutinho ayaa mushahar ahaan u doonaya lacag dhan 9.1 milyan euro sanadkii taas oo ah mid ay Arsenal sii qadimayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*