Arsenal Oo Calaamadsatay Xiddig Ay Ku Xoojin Doonto Kooxda Suuqa January.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Valencia ee Maxi Gomez u calaamadsatay bartilmaameedka 1-aad ee suuqa January.

Kooxda Arsenal ayaa ku jirta qaab ciyaareed liitaiyaga oo kaliya 12 gool dhaliyay 14 kulan oo horyaalka Premier league ah waxana la filayaa in ay xiddig weerar ah ku soo darto kooxda suuqa January.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal xiiso u muujisay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Valencia ee Maxi Gomez kaas oo qiimo jaban lagu heli karo.

Xaalada dhaqaale ee adag ee ay ku jirto kooxda Valencia ayaa keenaysa in ay kooxdu lacag yar ku iibiso xiddiga Maxi Gomez.

Maxi Gomez ayaa ka mdi ah xiddigaha ugu fiican horyaalka La Liga isaga oo dhaliyay 4 gool xilli ciyaareedkan kulankii ay Valencia bar-baraha la gashay kooxda Barcelona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*