Arsenal Oo Barcelona Ku Cidhiidhinaysa Xiddig Ay Kaga Dhagantahay.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga daafaca dhexe ee kooxda Man City ee Eric Garcia.

Heshiiska xiddiga 20 jirka ah ee Man Cit ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana la fahamsanyahay in uu iska diiday heshiis cusub.

Barcelona ayaa si weyn loola xidhiidhinayay saxiixiisa iyada oo doonaysa in ay xiddiga dib u hesho kadib markii uu isaga tagay xagaagii 2017.

Si kasta ha ahaatee wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta oo horay Garcia ula soo shaqeeyay markii uu caawiyaha ka ahaa doonayo saxiixa xiddiga.

Tababare Artata ayaa doonaya in uu xiddiga ku xoojiyo daafaciisa xilli ciyaareedka dambe waxana uu doonayaa in uu ku garaaco Barcelona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*