Arsenal Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh Kala Kulantay Kooxda Slavia Prague Kulan Wakhtiga Geerida Laga Dhaliyay Arsenal Goolka Bar-Baraha.

Kooxda Arsenal ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda kooxda Slavia Prague Kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 8 Dhamaadka tartanka Europa League Kana dhacay garoonka Emirates Staduim.

Kulnka ayaa ahaa mid ku adag labada kooxood iyada oo Slavia Prague si fiican u ciyaartay Dhanka daafaca waliba Arsenal u diiday in ay gaadho goolkeeda.

Dhanka kale kooxda Slavia Prague ayaa qaadayasay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonaysay gool ay kaga naxsato kooxda Arsenal kuwaas oo maamulayay ciyaarta.

Wiilasha Mikel Arteta ayay ku adkayd in ay dhaafaan daafac adag oo ay kooxda Slavia Prague dhigatay maadama ay ka cabsi qabtay in laga dhaliyo goolal badan.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo ayna labada kooxood wax goolal ah kala dhalin xilli ay Gunners ku dhibaatootay dhanka weerarka.

Arsenal ayaa qaybtii dambe ahayd koox uu deg-deg ku jiro iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka furitaanka xilli ay kooxda Slavia Prague ku Faraxsanayd in ay bar-baro la gasho Arsenal.

Daqiiqadii 87-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ahna goolkii ay u baahnayd iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Nicolas Pepe kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay kooxda Arsenal ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Slavia Prague ayaa bilowday sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo waliba kubado dhaadheer ah.

Daqiqiadii 90+3-aad ayay Kooxda Slavia Prague dhalisay goolka bar-baraha oo ay u dadaalaysay iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Tomas Holes kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay Kooxda Arsenal oo bar-baro niyad jab leh kala baxday ciyaarta haatana halis ugu jirta in ay ka hadho Europa League marka loo eego in ay kooxda Slavia Prague bar-baro 0/0 ah ku soo baxdo lugta dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow Waligaa 5-tan Su’aal Ha Waydiin Gacalisadaada Waad Ku Waayi Kartaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*