Arsenal Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh Kala Kulantay Crystal Palace

Kooxda Crystal Palace ayaa bar-baro ku qabatay kooxda Arsenal kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa horyaalka premier League.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxoodba si fiican ku bilowdeen iyada oo koox walba doonaysay in ay hogaanka u qabato kulanka.

Kooxda Crystal Palace ayaa u muuqatay kuwo ka fir-fircoon kooxda Arsenal dhanka fursadaha weerarka iyaga oo marar badan halis galiyay kooxda Arsenal.

Laba fursad oo fiican ayay mid Crystal Palace birta ku dhufatay halka uu mid kale Goolhaye Leno sameeyay badbaadin cajiib ah.

Dhanka kubad haynta waxa ku fiicnayd kooxda Arsenal maadama ay Crystal Palace ku badnayd dhanka weerarka mar walba oo ay kubada heshana weerar qaadaysay.

Waxa bar-baro goolal la’aan ah ku dhaamatay qabtii horeee ciyaarta oo ayna labada kooxoodba wax goolal ah kala dhalin.

Qaybta Dambe:

Arsenal ayaa qaybtii dambe ku soo gashay dar-dar cusub iyaga oo doonayay in ay jabiyaan daafaca ay kooxda Crstal Palace dhigatay.

Dhanka kale Crystal Palace ayaa qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay dhawr mar ku halis galiyeen kooxda Arsenal.

Labada Kooxood ayaan ka daalin ay nasiibkooda ku tijaabiyaan weerarada ay qaadayaan waliba ku dhaliyaan goolka ay wax kaga badali karaan ciyaarta.

Waxa ugu dambayn bar-baro goolal la’aan ah ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 0/0 ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*