Arsenal Oo Badashay Go’aankeeda Ku Aadan Saxiixa Thomas Partey & Hal Arin Oo Sabab U Ah.

Kooxda Arsenal ayaa ayaa lagu soo waramayaa in ay badashay go’aankeeda ku aadan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Thomas Partey sabab la xidhiidha in ayna diyaar u ahayn in ay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga ee dhan 45 milyan ee euro.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa si joogto ah loola xidhiidhinayaa kooxda Arsenal iyada oo Mikel Arteta ka dhigtay xiddiga bartilmaameedka ugu weyn ee xagaaga.

Gunners ayaa doonaysa in ay keento xiddiga Emirates xagaaga iyada oo maalmihii la soo dhaafay kor u qaaday dadaalka ay ku doonayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Laakiin wargayska The Athletic ayaa sheegaya in lacagta lagu bur-burinayo heshiiska xiddigu tahay caqabada hor taagan dhamaystirka saxiixa xiddiga.

Atletico Madrid ayaan doonayn in ay aqbasho wax ka yar lacag dhan 45 milyan oo euro taas oo ay Arsenal u aragto qiimo ka sareeya tayada xiddiga.

Maamulka kooxda Arsenal ayaa ka cabsi qaba in hadii ay lacag intaas leeg galiyaan suuqa kuna keenaan xiddig kaliya in ay saamayn dhaqaale ku yeelato kooxda.

Sii Akhiros: Dalka Shiinaha Oo Si Kulul Uga Hadlay Heshiiskii Dhexmaray Somaliland Taiwan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*