Arsenal Oo Badalka Raphinha Doonaysa, Waa Xiddig Horay Ula Soo Shaqeeyay Arteta.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga Leroy Sane u calaamadsadeen badalka Raphinha kaas oo ku biiray kooxda Barcelona.

Gunners ayaa doonaysay saxiixa xiddiga reer Brazil ee Raphinha si ay ugu xoojiso garabka weerarka ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Laakiin Xiddiga Raphinha ayaa iska diiday Arsenal isaga oo ka doortay kooxda Barcelona ugu dambayna ku biiray kooxda reer Spain.

Arsenal ayaa haatan xiddigii hore ee kooxda Man City ee Leroy Sane u calaamadsatay Badalka Raphinha isla markaas doonaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixiisa.

Mikel Arteta ayaa taageere u ah xiddiga Sane waxana uu kula soo shaqeeyay kooxda Man City markii uu tababare ku xigeenka ka aha kooxda Etihad ku ciyaarta.

Sane ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Bayern Munich suuqa xagaagan kadib markii ay kooxdu la soo saxiixatay Sadio mane waxana uu wakiilkiisu raadinayaa koox cusub oo uu ku biiro.