Arsenal Oo Badalka Hector Bellerin Ka Doonaysa Premier Leageu.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Brighton ee Tariq Lamptey hadii uu Hector Bellerin ka tago kooxda.

Bellerin ayaa ahaa dookha 1-aad ee daafaca Midig ee Arsenal sanadihii ugu dambeeyay laakiin kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa xiddiga.

Xilli uu Cedric Soares inta badan ku bilowdo Europa League Ainsley Maitland-Niles ayaa ku bilowda daafaca Midig marka uu Bellerin ka maqan yahay kooxda.

Wargayska Mirror Sport ayaa sheegaya in ay Arsenal doonayso saxiixa xiddiga kooxda Brighton ee Tariq Lamptey hadii uu Bellerin ka tago kooxda xagaaga.

Tariq Lamptey ayaa kooxda Brighton kula jira heshiis 2 sano iyo badh ah waxana uu ilaa haatan diida in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Xiddiga Tariq Lamptey ayaa soo bandhigay qaab ciyareed cajiib ah ku jira labadii sano ee ugu dambeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*