Arsenal Oo Badalka Hector Bellerin Ka Arkootay England Dhexdeeda.

Kooxda Arsenal ayaa suuqa u gali doonta badalka xiddiga Hector Bellerin kaas oo ka fikiraya in uu isaga tago kooxda Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Arsenal ayaa xiddigaha Premeir League ka ciyaara ee Max Aarons iyo Tariq Lamptey u calaamadsatay badalka mustaqbalka ee Hector Bellerin.

Inkasta oo uu si joogto ah ugu ciyaarayay kooxda Arsenal tan ilaa sanadkii 2014 hadana Hictor Bellerin ayaa si joogto ah loola xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda Gunners.

Kooxaha PSG iyo Barcelona ayaa ah kooxaha sida weyn loola xidhiidhinayo xiddiga Hector Bellerin kuwaas oo doonaya saxiixiisa.

Dhanka kale Hector Bellerin ayaa ka fiirsanaya in uu isaga tago kooxda Arsenal xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu tartan cusub u aado.

Kooxda Arsenal ayaa xiddigaha Max Aarons iyo Tariq Lamptey u calaamdsatay badalka suurtagalka ah ee ay ku badali doonto hadii uu xiddigu ka tago kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*