Arsenal Oo Badalka David Luiz Ka Heshay Premier League & Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto Oo Ay Haatanba Ogtahay.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay raadineyso inay xagaaga u dhaqaaqdo daafaca kooxda Brighton ee Ben White xilli uu Mikel Arteta raadinayo Badalka David Luis oo isaga tagay kooxda.

Daafaca dhexe ayaa ku raaxaysanaya qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo xitaa lagu daray Liiska xiddigaha xulka qaranka England uga qayb qaadanaya tartanka Euro 2020 kadib dhaawacii Trent Alexander-Arnold.

Sida laga soo xigtay wargayska The Mirror, Mikel Arteta ayaa taageero weyn u ah daafaca dhexe waxana uu isku dayi doonaa in uu helo saxiixiisa kadib tartanka Euro-da.

Wargayska Sportsmail ayaa sheegaya in ay kooxda Brighton haatanba kooxaha doonaya saxiixa xiddiga reer England u sheegtay in ay bixiyaan lacag dhan 50 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixiisa.

Gunners ayaa White u aragta badalka Munaasibka ah ee David Luiz kaas oo qaab xor ah uga tagay kooxda sidoo kale kooxdu ku dartay Liiska xiddigaha ay iska fasaxday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*