Arsenal Oo Atletico Madrid iyo Juventus U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karaan Saxiixa Bukayo Saka, Waa Sidee Go’aanka Xiddigu

Juventus iyo Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku hayaan xiddiga kooxda Arsenal ee Bukayo Saka iyaga oo isku diyaarinaya in ay u dhaqaaqaan saxiixiisa.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa muhiim ka noqday Arsenal waxana uu sidoo kale si joogto ah ugu ciyaaraa xulka qarankiisa England.

Sida laga soo xigtay Calciomercato, Juve ayaa Atletico kula tartami doonta saxiixa xiddiga oo ay labada kooxoodba isha ku hayeen xiddiga in muddo ah.

Warka ayaa sidoo kale sheegeysa in Arsenal ay si buuxda uga warqabto xiisaha ay kooxahaas u qabaan saxiixa xiddiga ilaa haatana ma ogola in ay hoos u dhigaan qiimaha 43 milyan ee ay ku qiimeeyaan xiddiga.

Xiddiga dhawrka boos ka ciyaara kara ee Saka ayaa dhowaan saxiixay heshiis cusub oo 4 sano ah wax xiiso ahna uma hayo in uu ka tago kooxda wakhtiga dhaw.

Sii Akhriso: Sideed Ku Garanaysaa Qofka Si Qarsoodi Ah Kaaga Fikirayo?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*