Arsenal Oo Ah Boqorada London Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Kooxda Arsenal ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkii 18-aad.

Laakiin arintaas ayaan Gunners ka hor istaagin in ay noqoto boqorada London ee Horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan kadib bar-barahaas.

Arsenal ayaa xilli ciyaareedkan ah kooxda dhibcaha ugu badan ka heshay kooxaha ka dhisan magaalada London tartanka horyaalka premier League.

Arsenal ayaa 9 Dhibcood ka heshay kooxaha ka dhisan magaalada London iyaga oo ka fiican 5-ta kooxood ee kale iyaga oo 3 kulan badiyay.

Waxa intaas sii dheer in ay Arsenal haatan qabatay shaqo ka fiican dhamaan kulamadii Derby-yada London ee horyaalka prmeier Leageu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*