
Arsenal ayaa wajaheysa weeraryahan yaraan ka dib dhaawac xun oo soo gaaray weeraryahanka Kai Havertz.
Fursadaha horyaalka Gunners waxaa soo gaaray dhaawac kale iyadoo laga cabsi qabo in weeraryahanka uu garoomada ka maqnaado inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Waxa ay daba socotaa dhaawacii Gabriel Jesus Soo gaadhay oo la filayo in uu garoomada ka maqnaado inta ka dhiman xilli ciyaareedkan iyo Martinelli oo toddobaadyo garoomada uga maqnaan doona sabab la xidhiidha dhaawac.
Bukayo Saka waxaa laga yaabaa inuusan soo laaban illaa April ka dib markii uu dhaawac muruqa ah Soo gaadhay isla markaas qaliin maraya.
Arsenal ayaa go’aan ku gaartay inaysan la soo saxiixan weeraryahan inta lagu guda jiro suuqa January, kaasoo xirmay todobaadkii hore. Dalabka Ollie Watkins ayaa la sameeyay laakiin si deg deg ah waxaa u diiday Aston Villa.
Mikel Arteta ayaa sheegay maalmo ka dib inuu ka niyad jabsan yahay dhaqdhaqaaq la’aanta kooxda ee suuqa kala iibsiga, laakiin wuxuu xusay in tayada la doonayo aan la heli karin bartamaha xilli ciyaareedka.
Arsenal ma la soo saxiixan kartaa weeraryahan ka dib dhaawacii Kai Havertz?
Haa Inkastoo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda uu xirmay isbuucii hore, Arsenal weli way la soo saxiixan kartaa ciyaartoy.
Si kastaba ha ahaatee, waqtiyada quusta ayaa laga yaabaa inay ku baaqaan tallaabooyin quus ah.
Waxa jira tiro xiddigo xor ah oo la saxeexi karo oo loo diwaangelin karo inay ka ciyaaraan Premier League, iyadoo Arsenal ay adeegsato kaliya 22 ka mid ah 25-ka boos ee kooxdeeda.
Saxiix kasta oo cusub, si kastaba ha ahaatee, uma ciyaari karo kooxda tartanka champions league ka dib markii kooxdu soo gudbisay usbuucii hore.
Be the first to comment