Arsenal Mise Tottenham? Lucas Vazquez Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo Kadib Markii Loo Soo Bandhigay Labada Kooxood.

Kooxaha Arsenal Iyo Tottenham ayaa loo soo bandhigay saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid ee Lucas Vazquez marka la gaadho suuqa xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska The Mirror ayaa sheegaya in uu xiddiga Lucas Vazquez doortay in uu ku biiro kooxda Tottenham halkii uu ku biiri lahaa kooxda Arsenal xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Lucas Vazquez iska diiday kooxda Arsenal si uu uga hoos ciyaaro tababaraha Kooxda Tottenham ee Jose Mourinho.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa Mourinho kala soo shaqeeyay Real Madrid waxana uu doonayaa in uu mar kale ka hoos ciyaaro tababaraha reer Portugal xilli ciyaareedka dambe.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga Lucas Vazquez diyaar u yahay in uu hoos u dhigo mushaharkiisa uu ka qaato kooxda Real Madrid haatan si uu ugu biiro Tottenham.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*