Arsenal Mise Tottenham? Kevin Campbell Oo Saadaaliyay Kooxda Badin Doonta Kulanka North London Derby.

Weeraryahankii hore ee kooxda Arsenal Kevin Campbell ayaa saadaaliyay in ay Arsenal garaaci doonto Tottenham kulanka North London Derby ee horyaalka premier League.

Gunners ayaa xilli ciyaareedka cusub ku bilaabatay qaab wanaagsan iyaga oo badiyay 7 ka mid ah siddeedii kulan ee ay ciyaareen tartamada oo dhan.

Kooxda Mikel Arteta ayaa hogaanka horyaalka Premier League ku haysa 18 dhibcood todobadii kulan ee ay ciyaareen,waxana ay hal dhibic ka horeeyaan kooxaha Manchester City iyo Tottenham.

Campbell ayaa kalsooni ku qaba in ay kooxdiisu gaadhi doonto guul kulanka adag ee premier League u dhexayn doona Tottenham.

“Aad ayaan ugu kalsoonahay in aan badin doono sababta oo ah tariikhda ayaa sheegaysa in ay Arsenal mar walba ka badiso Tottenham marka lagu ciyaarayo garoonka Emirates”.

“Arsenal run ahaantii waa koox fiican waxa aad ogtahay in ay ku jiraan qaab ciyaareed fiican laakiin Arsenal ayaa guul gaadhi doonta’.