Arsenal Mise Tottenham? Bacary Sagna Oo Saadaaliyay Kooxda Badin Doonta Kulanka North London Derby & Natiijada Ay Ku Dhamaan Doonto Ciyaartu.

Daaficii hore ee Arsenal Bacary Sagna ayaa saadaaliyay in ay Gunners 2/0 ku garaaci doonto kooxda Tottenham kulanka North London Derby ee todobaadkan.

Kooxda Mikel Arteta ayaa marti galin doona kooxda Tottenham kulankii ugu horeeyay kadib fasaxa xulalka.

Sagna oo u ciyaaray Arsenal 284 kulan tartamada oo dhan ayaa aaminsan in ay kooxdiisii hore kulanka kala bixi doonto guul Sabtida.

“Arsenal way ku badin doontaa, Arsenal 2-0”.

“I maqal, kulanku ma noqon doono mid u fudud Arsenal, Tottenham waa koo tayo leh waxana ay haystaan xiddigo halis ah sida Son iyo Kane kuwaas oo qaab ciyaareed fiican ku jira”.

“Laakiin waxa aan qabaa in ay la bixi karaan 3-da dhibcood ee kulanka”ayuu sii raaciyay.