Arsenal Mise Liverpool? Harry Redknapp Oo Saadaaliyay Kulanka labada Kooxood Ee Premier League.

Harry Redknapp, oo hore u soo noqday tababaraha Tottenham Hotspur, ayaa saadaaliyay in Arsenal ay 3–1 ku garaaci doonto Liverpool kulankooda Premier League ee ka dhacaya garoonka Emirates Stadium Khamiista.

Redknapp wuxuu ku adkaystay in Reds-ku ay ka liitaan firfircoonida iyo dhaqdhaqaaqa weerarka, inkastoo ay haystaan ciyaartoy tayo leh.

Isagoo la hadlayay BetVictor, Redknapp wuxuu yiri:

“Tani waa kulanka weyn. Liverpool mar kale dhibco ayay lumin doontaa”

“Liverpool waxa ka maqan firfircoonida weerarka, taas oo iga yaabisay marka la eego tayada badan ee ay ku leeyihiin kooxdooda”

“Waxaan aragnay kooxo ka fiican Liverpool xilli ciyaareedkan oo u yimid Arsenal kuna dhibtooday si weyn. Waxaan filayaa in Arsenal ay ku badin doonto 3–1.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga