
Arsene Wenger ayaa ku kaftamay in ay tahay in uu si adag u Ducaysto hadii uu doonayo in Arsenal ku garaacdo Liverpool Horyaalka.
Gunners ayaa haatan todobo dhibcood ka hooseysa kooxda Arne Slot ka dib markii ay ka badiyeen Wolves axadii.
Guuldarada kaliya ee Liverpool ka soo gaartay xilli ciyaareedka Premier League ayaa aheyd mid ka soo gaadhay Nottingham Forest.
Isagoo qiimeyn ku sameynaya tartanka horyaalka ee beIN Sports, Wenger ayaa yiri: “Waxay u baahan yihiin inay guuldarraystaan kulamada, laakiin hadda waxaan ciyaarnay 25 kulan, Liverpool ayaana laga badiyay hal, sidaas darteed waa inay guuldareystaan ugu yaraan seddex kulan 13-ka kulan ee soo socda”.
“Waqtigan xaadirka ah, waxay u muuqataa mid aan macquul ahayn in ay taasi dhacayso, laakiin ilaa hadda waxa laga badiyay hal kulan oo kaliya, sidaas darteed waa kuwa ugu cadcad”.
Be the first to comment