Arsenal Mise…? Dusan Vlahovic Oo Doortay Kooxda Uu Doonayo In Uu Ku Biiro.

Xiddiga bartilmaameedka u ah Arsenal ee Dusan Vlahovic ayaa u muuqda mid niyad jabiyay kooxda Arsenal isaga oo doortay horyaalka uu doonayo in uu ka ciyaaro.

Dusan Vlahovic ayaa lagu soo waramayaa in uu doortay in uu sii joogo horyaalka Serie A-da midkoodna ku biiro kooxaha Juventus Ama Inter Milan halkii uu ku biiri lahaa Arsenal.

Xilli wax ka yar 18 bilood ka dhimantahay heshiiskiisa kooxda Fiorentina, Xiddiga ayay u badantahay in uu isaga tagi doono kooxdaiisa suuqa January ama xagaaga dambe.

Arsenal ayaa si weyn u doonaysa saxiixa xiddiga iyaga oo muddo lala xidhiidhinayay u dhaqaaqistiisa si ay ugu xoojiyaan weerarkooda suuqa January ama xagaaga.

Laakiin sida laga soo xigtay Football.London, Dusan Vlahovic ayaa Arsenal u sheegay in uu doonayo in uu sii joogo horyaalka Serie A-da midkoodna ku biiro kooxaha Juventus ama Inter Milan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*