Arsenal Mise Chelsea? Raphinha Oo Doortay Kooxda Uu Doonayo In Uu Ku Biiro.

Xiddiga garabka uga ciyara Leeds United ee Raphinha Ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo ku biirista kooxda Chelsea marka loo eego Arsenal sida ay sheegayaan wararku.

Arsenal ayaa haatanba laga diiday dalab 50 milyan ah oo ay ka gudbisay saxiixa xiddiga Raphinha kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan weerarka.

Sida laga soo xigtay Wargayska The Athletic, xiddiga Raphinha ayaa doonaya ku biirista chelsea halkii uu ku biiri lahaa kooxda Arsenal suuqa xagaaga.

Xiddiga reer Brazil ayaa doonaya in uu sii joogo horyaalka premier League laakiin waxa uu doonayaa in uu ku biiro koox ka ciyaarta tartanka champions League.

Raphinha ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo dhaliyay 11 gool waliba door weyn ka qaatay in ay Leeds sii joogto premier League.

Xiddiga ayay Leeds United ku qiimaysaa lacag dhan 75 milyan oo euro kadib markii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*