Arsenal Mise Chelsea? Michael Owen Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta FA Cup-ka Sabtida.

Michael Owen ayaa si fiican u garanaya Finalka FA Cup-ka gaar ahaan midka ay ciyaarayso kooxda Arsenal.

Xiddigii hore ee Liverpool ayaa jabiyay qalbiga Arsenal sanadkii 2001 markii uu 2 gool oo deg-deg ah kaydka kala soo kacay xilli ay Arsenal 1/0 ku hogaaminaysay laakiin Liverpool u gacan galiyay koobka.

Michael Owen ayaa markan saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta FA Cup-ka xilli ciyaareedkan kadib markii ay labada kooxood ee Arsenal iyo chelsea isaga hor yimaadeen.

Labada kooxood ayaa 3 sano ka hor isaga hor yimid Final-ka FA Cup-ka markaas oo ay Arsenal 2/1 ku guulaystay sidaasna ugu qaaday FA Cup-ka markii 13-aad ee taariikhdooda.

Laakiin Michael Owen ayaa markan saadaaliyay in ay arimuhu ka duwanaan doonaan kulankii 3 sano ka hor.

“Marka aan eego kulanka waxa aan rumaysanahay in ay chelsea leedahay xiddigaha fiican waxana ay Blues ku qaadi doontaa koobka 2/1 taas oo Lampard siin doonta koobkiisii ugu horeeyay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*