Arsenal Mise Chelsea? Kooxdee Aadka Ugu Baahan In Ay Maanta Ku Guulaysato FA Cup-ka.

Kooxaha Arsenal & Chelsea ayaa saacado yar kadib isaga hor iman doona kulanka Final-ka FA Cup-ka xilli ciyaareedka 2019/2020 kulan ka dhici doona Wembley.

Labada kooxood oo ay kala hogaaminayaan laba Halyeey oo horay koobka ugula soo guulaystay labada kooxood iyaga oo ciyaaraya kubada cagta ayaa isha ku haya in ay kor u qaadaan koobka sanadkan.

Inkasta oo ay labada kooxoodba u baahanyihiin ku guulaysiga FA Cup-ka xilli ciyaareedkan hadana koox ayaa aad ugu sii baahan ku guulaysiga koobka.

Kooxdaas ayaa ah Arsenal kuwaas oo Chelsea kaga baahi badan ku guulaysiga FA Cup-ka laba arimood dartood kuwaas oo ayna chelsea u baahnayn haatan.

Sababta ugu horaysa ayaa ah in ay Arsenal doonayso in ay u soo baxdo tartanka Europa League waxana ay u baahantahay ku guulaysiga FA Cup-ka si ay sidaas u samayso.

Sababta kale ayaa ah in ay Arsenal ku dhibaatoonayso dhanka dhaqaalaha suuqa hadii ay ku guulaysato FA Cup-kana waxa ay heli doontaa lacag fiican oo ay ku gasho suuqa marka ay u soo wada baxdo Europa League-na waxa ay helaysaa lacag kale oo ay ku gasho suuqa.

Laakiin Chelsea kaliya waxa ay ugu baahantahay ku guulaysiga koobka in ay koob kala baxdo xilli ciyaareedkan laakiin baahi aad u weyn sida Arsenal uma qabto koobka.

Laacib.net

2 Comments

  1. Koox aan baahi u qabin ma jirto baahi ka wayn ayaanu u qaban lacag aan suuqa ku galno ayaanu rabna haddii aanu qaadi wayno roman Abramovich khasnadda ayuu xidhan hadiise aan qaadno khasnada wax buu kasoo saarin

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*