Arsenal & Liverpool Oo War Fiican Ka Helay Baacsigii Ay Ugu Jireen Xiddiga Yves Bissouma

Kooxda Brighton ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo badalka xiddiga xiddiga khadka dhexe ee Yves Bissouma kaas oo xiiso ka helaya kooxaha Arsenal iyo Liverpool.

Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa xiddiga Yves Bissouma u calaamadsaday xiddig ay ku xoojinayaan khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe kadib markii uu xiddiu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa dhankiida doonaya in uu ku biiro koox weyn oo premier League waxana ay Brighton diyaarinaysaa in ay u dhaqaaqdo badalkiisa taas oo war fiican u ah kooxaha Arsenal iyo Liverpool.

Brighton ayaa xiiso dhab ah u muujisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Kooxda RB Salzburg ee Enock Mwepu kaas oo ay u arkaan baalka dhabta ah ee xiddiga khadka dhexe ee Yves Bissouma.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*