Arsenal & Liverpool Oo Loo Sheegay Wadada Ay Ku Heli Karaan Saxiixa Yves Bissouma.

Kooxda Brighton ayaa kooxaha Liverpool iyo Arsenal u sheegtay qiimaha ay ku heli karaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Yves Bissouma sida ay sheegayaan wararku.

The Sun ayaa sheegeysa in Brighton ay madaxa xiddiga dul dhigtay lacag dhan 40 milyan oo euro kadib markii ay kooxaha Liverpool iyo Arsenal xiiso u muujiyeen saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa ku bilowday 33 kulan oo premier League ah xilli ciyaareedkan isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kooxdiisana ka caawiyay in ay hesho natiijo fiican.

Qaab ciyaareedka xiddiga Bissouma ayaa soo jiitay kooxaha waaweyn ee Premier League kuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan khadkooda dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Heshiiska Bissouma Brighton ayaa dhici doona xagaaga 2023 hadii ayna kooxdu heshiis cusub ka saxiixan waxana ay Doonaysaa in ay iska iibiso hadii ay hesho lacagta ay doonayso xagaaga.

Sii Akhriso: Tilmaamaha & Astaamaha Qeexan Ee Jacaylka Dhabta Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*