Arsenal, Liverpool Mise Man City? Wayne Rooney Oo Magacaabay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League.

Wayne Rooney ayaa ku taageeray Liverpool in ay ku guulaysato horyaalka Premier League inkasta oo ay bar-baro 2/2 ah la gashay Man United.

Kooxda Liverpool ayaa maamulaysay ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa man United Laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay ka badiyaan United.

Liverpool ayaa haatan ku jirta kaalinta 2-aad iyaga oo la dhibco ah Arsenal laakiin kaga dambeeya farqiga goolasha.

“Wali waxa dhiman wakhti badan”ayuu Rooney yidhi.

“Waxa dhiman 7 kulan oo kaliya laakiin waxa dhici doona wax badan tan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan”.

“Waxa aan qabaa in ay Liverpool ku guulaysan doonto horyaalka premier League”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga