Arsenal, Liverpool Mise Man City? Ronaldo Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League.

Ronaldo ayaa kooxda Man City ku taageeraya in ay taariikh cusub sameeyaan xilli ciyaareedkan isla markaas ku guulaystaan horyaalka premier League xilli cyaareedkii 4-aad oo xidhiidh ah.

Intii uu hogaaminayay Pep Guardiola, City ayaa ku guuleysatay horyaalka shan jeer todoba xilli ciyaareed gudahood.

Hadda, waxay higsanayaan guul naadir ah oo aysan kooxna gaarin tan iyo 1888-kii markaasoo horyaalka Ingiriiska uu billowday.

Guardiola ayaa qibrad u leh rikoorada nuucaan oo kale ah maadaama uu horay darajadan ula gaaray Barcelona iyo Bayern Munich.

Man City ayaa wali tartan adag ugu jirta horyaalka iyaga oo hal dhibic ka dambeeya kooxaha kaalinta 1-aad ku jira Liverpool iyo Arsenal.

Markii Daily Mail ay weydiisay Ronaldo cidda uu u maleynayo inuu ku guuleysan doono xilli ciyaareedkan, wuxuu si toos ah ugu jawaabay, “City.”

Guardiola ayaa sidoo kale si geesinimo leh u sheegay bishii December inuu rumeysan yahay in City ay mar kale ku guuleysan doonto horyaalka.

Si kastaba ha ahaatee, ka dib barbarihii ay la galeen Liverpool, wuxuu qiray in tartanka uu noqon doono mid aad u adag.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga