Arsenal Iyo Man United Oo Loo Sheegay Halka Waddo Ee Ay Ku Heli Karaan Christian Eriksen

Kooxaha Man United iyo Arsenal ayaa lagu waramayaa in jawaab ka helaan kooxda  miler Milan ee ku aadan in ay helaan saxiixa xiddiga cuqdada ay hayso ee Christian Eriksen

Inter ayaa kooxahaas ku war gilisay in ay la yimaadaan dalab gaaraya 27 milyan oo euro si bisha January u helaan saxiixiisa.

Laacibkaas reer Denmark ayay u badan tahay in uu kooxdaas ka huleelo maadaama uu ku jahwareeray in  uu boos ka helo kooxdaas tan iyo markii uu Totteham ka soo huleelay.

Erikson ma dhalin mana sameyn wax gool ah ka dib 8 kulan oo uu la soo muquday xilli ciyaareedkaan koxda Inter Milan balse afar gool ayuu dhaliyay halka sedex kale uu sameeyay ka dib 34 kulan ee uu saftay kooxdaas tan iyo markii uu yimid .

Labadaas koox ayaa haatan si  fog  ugu loolamaya saxiixa laacibkaas hore Tottenham kaasi oo horay kooxda White Hart Lane  ugu dhaliyay 69 gool ka dib  305 kulan intii  u dhaxeeysay 2013-kii  iyo 2020-kii

Tutto Sport ayaa haatan qoreysa in Inter muujiyeen in ay diyaar u yihiin iibinta laacibka balse waa haddi laga keeno aduun lacageed oo dhan 27 milyan oo euro .

Waxaa kale oo la aaminsan yahay  in 28 jirkaan uu xiiso ka haysto  kooxda reer Jarmal ee Dortmund

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*