Arsenal Iyo Man United Oo Ku Dagaalamaya Xiddig Lala Bar-bar dhigo Kai Havertz

Man United iyo Arsenal ayaa ku loolamaya saxiixa da`yarka kooxda Bayer Leverkusen ee Floroan Wirtz

Xiddigaan ayaa bishii May galay da`da 18-ka sano balse  wacdaro ayuu ka dhex dhigayaa kooxdiisa reer Jarmal

Xiddigaan Versatile-ka ah ayaa kooxdiisa badel ugu noqday Kai Havertz kaasi oo Chelsea haatan u jooga , waa uuna da`yarkaan dhaliyay 11 gool halka 11 kalaan uu sameeyay ka dib 50 kulan ee uu u saftay kooxdiisa

TodoFichajes ayaa sheegeysa in labadaas koox ay si fog u doonayaan laacibka waliba ay u soo dirayaan indho indheeyaal daawada kulamadiisa

Arintaan ayaa imaaneysa xilli Munich iyo Dortmund iyana isha ku hayaan da`yarkaas qad dhex weerarka ah

S kastaba , waxaa la xusayaa in Leverkusen uusan ku jirrrin deg deg ay ku iibiyaan laacibkooda kaasi oo hishiiskiisa uu dhacayo  xagaaga 2025-ka.

Sii Akhriso: Waa maxay heerka ugu sarreeya ee jacaylka?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*