Arsenal & Chelsea Oo Lagu Cidhiidhinayo Achraf Hakimi

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay kooxaha Arsenal iyo Chelsea kula tartanto saxiixa xiddiga Achraf Hakimi.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa si joogto ah ugu ciyaara Inter Milan xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 3 gool sidoo kale caawiye ka noqday 3 kale.

Laakiin kooxda Inter Milan ayaa wajahaysa xaalad dhaqaale xumo waxana ay isku diyaarinaysaa in ay iska iibiso xiddiga xagaaga.

Wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in ay kooxaha Arsneal iyo Chelsea yihiin kooxaha doonaya in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga.

Laakiin kooxda Man City ayaa haatan ku biirtay tartanka iyada oo uu Pep Guardiola doonayo in uu xiddiga ku xoojiyo kooxdiisa xagaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*