Arsena, Liverpool Mise…? Renato Sanches Oo Doortay Kooxda Uu Ku Riyoonayo In Uu Ku Biiro.

Xiddiga khadka dhexe ee Lille Renato Sanches ayaa lagu soo waramayaa inuu aad u doonayo inuu ku biiro Barcelona inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa dib u soo celiyay xirfadiisa ciyaareed kadib markii uu qaab ciyaareed fician ku soo bandhigay horyaalka France isaga oo dhaliyay hal gool 4 kalena caawiye ka noqday 29 kulan.

Sanches ayaa sidoo kale qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay tartankii euro 2020 oo uu uga qayb galay xulka Portugal waxana uu xiiso ka helay kooxaha ay ka midka yihiin Arsenal iyo Liverpool.

Barcelona ayaa sidoo kale xiiso u muujisay saxiixa xiddiga, sida laga soo xigtay wargayska L’Equipe, Sanches ayaa doortay ku biirista Barcelona isaga o iska diiday kooxaha Arsenal iyo Liverpool.

Si kasta ha ahaatee Lille ayaa xiddiga ku qiimaysa 35 milyan oo euro taas oo ay Barcelona ku adkaan doonto in ay bixiso lacagtaas marka loo eego xaalada adag ee ay ku jirto.

Sii Akhriso: Saddexda Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Jacaylkaaga Ugu Soo Bandhigi Kartid Qofka Aad Jeceshahay Hadi Adiga Oo Aan Xishood Aama Cabsi Dareemin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*