Arseal Oo Heshay Wado Ay Ku Heli Karto Saxiixa Thomas Partey

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay Alexandre Lacazette u isticmaasho soo xero galinta xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Thomas Partey marka la gaadho suuqa xagaaga.

Thomas ayaa la fahamsan yahay inuu yahay bartilmaameedka koowaad ee kooxda Gunners suuqa kala iibsiga ee soo aadan laakiin lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa ayaa caqabad ku ah kooxda Arsenal kadib markii uu xanuunka Korona saameeyay dhaqaalaha kooxaha premier league.

Atletico ayaan aqbali doonin wax ka yar 50 milyan euro oo ah lacagta lagu burburin karo heshiiskiisa wargayska L’Equipe in ay diyaar u tahay in ay xiddiga Lacazette ku darto heshiiska xiddiga Partey.

Xiddiga reer France ayaa ka baxay qorshaha mikel Arteta iyada oo laga doorbido xiddiga da’yarka ah ee Eddie Nketiah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*