Arne Slot Oo Shaaciyay Xiddiga Badali Doona Salah Inta Uu Ku Maqanyahay Koobka Africa.

Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa shaaca ka qaaday qorshihiisa uu ku buuxinayo booska  Mohamed Salah kaas oo xulkiisa kala qayb gali doona Koobka Qaramada Afrika ee 2025, AFCON.

AFCON ayaa lagu ciyaari doonaa Morocco inta u dhaxaysa December 2025 iyo January 2026.

Salah ayaa u ciyaari doona xulka qaranka Masar ayaa la filayaa in uu meel fog ka gaadho tartank.

Slot ayaa hadda sheegay in saxiixa cusub ee Jeremie Frimpong, uu ka ciyaari karo garabka midig.

Wuxuu yiri: “Waxaan keennay Frimpong maadaama uu ka ciyaari karo garabka midig iyo waliba daafaca midig”.

“Waxaan ka fikirnay xaqiiqda ah inaan lumin doono Salah lix kulan oo Premier League ugu badnaan inta lagu jiro AFCON, taas oo ah wax badan marka aad tixgeliso sidii uu u fiicnaa xilli ciyaareedkii hore.”

Salah ayaa dhaliyay 28 gool 18 goolna caawiye ka noqday 37 kulan oo uu ciyaaray horyaalka premier league isaga oo Liverpool ka caawiyay in ay ku guulaysato horyaalkii labaad ee saddex xilli ciyaareed gudahood”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga