Arne Slot Oo Iska Diiday In Uu Tababare U Noqdo Tottenham Ka Hor Inta Uuna Ogolaan Liverpool, Sabab.

Tababaraha Cusub ee Liverpool Arne Slot ayaa iska diiday Kooxda Totteham suuqii xagaaga.

Arne Slot ayaa lagu wadaa inuu noqdo tababaraha xiga ee Liverpool iyadoo Jurgen Klopp uu ku dhow yahay dhamaadka xukunkiisa.

Liverpool ma ahayn kooxda kaliya ee Premier League ee xiisaynayay saxiixa Tababaraha Ka hor inta aan la magacaabin Ange Postecoglou, Tottenham waxa ay la soo xidhiidhay Slot si ay uga dhigto tababaraha kooxda.

Tottenham ayaa ku dhameysatay kaalinta 8-aad xilli ciyaareedkii 2022/23 sidaas darteedna kuma jirin Champions League ama tartan kale oo Yurub ah.

Slot ayaa markaas sheegay in tani ay tahay sababta uu u diiday in uu noqdo tababaraha Tottenham inkasta oo uu heshiis la gaadhay.

“Arrinta ugu muhiimsan waxay ahayd inaan ka ciyaaro Champions League… xaqiiqda ah inaan waqti fiican ku qaatay Feyenoord waxana aan doonayay in aan sii wado shaqada aan ka hayay kooxda”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga