Arintan Ma La Macno Tahay In Uu Lionel Messi Ku Guulaysan Doono Ballon d’Or-ka Sanadkan

Xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi ayaa u muuqda mid ku guulaysan doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or 2021 hadii laga raaco waxa dhacay sanadkii ugu dambeeyay ee uu xiddigu ku guulaystay abaalmarinta.

Majaalda bixisa Abaalmarinta ee France Football ayaa balansatay waraysi ay ka qaadi doonto xiddiga reer Argentine taas oo si maldahan u muujinaysa in uu Messi ku guulaysan doono abaalmarinta.

Waraysiga ayaa la soo dayn doonaa 9 bisha October kuna aadan sabtida waana hal maalin ka hor wakhtiga lagu dhawaaqayo xiddigaha u tartami doona abaalmarinta sanadkan.

Waa arin dhacday saandkii 2019 markaas oo uu majalada France Football waraysi ka qaaday xiddiga Lionel Messi ka hor inta aan la shaacin liiska xiddigaha u tartami doona abaalmarinta Ballon d’Or-ka.

Hadaba hadii la eego sida ay wax u dhacayaan waxa ay la macno tahay in uu Lionel Messi markii 7-aad ee taariikhda ku guulaysan doono abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*