Arintan Cadayn Ma U Tahay In La Ogaaday Kooxda Uu Sergio Ramos Ku Biiri Doono Xagaagan.

Sida laga soo xigtay wargeysyada, Sergio Ramos ayaa bilaabay in uu Guri Ka raadsado Magaalada kooxda uu ku biirayo kadib markii uu ka tagay kooxda Real Madrid.

Sergio Ramos ayaa ka tagay kooxda Real madrid todobaadkii hore kadib 16 sano oo uu jooay kooxda Real Madrid kadib markii uu heshiis cusub la gaadhi waayay kooxda Los Blancos.

Sida laga soo xigtay wargeyska, AS, Ramos ayaa haatanba bilaabay in uu Guri Ka raadsado maagalada Paris ee ay ka dhisantahay kooxda PSG si uu isugu diyaariyo u dhaqaaqistiisa kooxda PSG.

Isla wargayska ayaa sheegaya in Ramos iyo wakiilkiisa oo ah walaalkiisa ayaa bilaabay raadinta Gurigii uu xiddigu dagi lahaa marka uu ku biiro kooxda PSG.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in uu Sergio Ramos ku biiri doono kooxda PSG Maalmaha soo socda qalinkana ku duugi doono heshiiska uu ugu biirayo ooxda ka dhisan caafimada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*