Arin PSG ka Caawin Karta Saxiixa Lionel Messi Oo La Ogaaday.

Tababaraha Mauricio Pochettino ayaa qarka u saaran in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda PSG kana badalo tababarihii shaqada laga caydhiyay ee Thomas Tuchel taas oo xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi u furaysa in uu ku biiro kooxda PSG xagaaga dambe.

Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaa lala xidhiidhinaya kooxo badan oo reer yurub ah kana mid tahay kooxda PSG xilli uu heshiiskiisa Barcelona dhamaad ku dhaw yahay.

Mauricio Pochettino ayaan qarsan rabitaankiisa ah in uu tababare u noqdo xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi wargayska Le Parisien ayaana sheegaya in ay suurtagal tahay in uu Messi ku biiro PSG Xagaaga dambe.

Messi ayaa saaxiibo dhaw ku leh kooxda PSG kana mid yihiin xiddigaha Neymar iyo waliba Angel Di Maria oo ay xulka qaranka isaga garab ciyaaraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*