Arin Kale Oo Ka Marqaati Kici Karta In Messi U Wareegi Doono Kooxda Inter Milan , Maxaa Soo Kordhay?

Waxaa mar waliba isa soo taraya warraka sheegaya in ay suura gal tahay in Messi uu u wareego kooxda Inter Milan ee horyaalka Talyanaiga

Warar dhawaan soo baxay waxa ay sheegeen in aabaha Messi ahna wakiilkiisa uu guri ka iibsaday magaalada Milano ee Italy waliba u dhaw xarunta naadiga Inter Milan

Ma aha wax qarsoon Inter Milan ay si dhab ah u doonayaan waliba muddo haminayeen saxiixa laaicbkaas 6-da jeer ku guuleystay abaal marinta kubadda dahabka

Inkastoo agaasimaha guud ee Inter uu beeniyay in Messi dadaal ku bixinayaan soo xero gilintiisa hadana saxaafadda Italy maalin waliba xog cusub ayay keeneysaa taasi oo marqaati ka noqon karta in ay suura gal tahay in Messi uu xerto maaliyadda Inter

Haatan , wargeyska Lagazzeta del Sport ee Italy ayaa qoraya in aabaha Messi uu soo guuray gurigiisa cusub ee Milano waxa ayna tani xoojineysaa shakiga mustaqbalka Messi laga qabay

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in hishiiska Messi ee qalcadda Camp Nou uu dhacayo xagaaga 2021-ka , haddii hishiis cusub uusan saxiixin laga bilaabo Janaury 2021-da kooxda uu doono ayuu wadahadallo toos ah la furi karaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*