Arin Ka Cusub Mustaqbalka Thiago Silva Ee Chelsea , Maxaa Laga Damacsan Yahay?

Chelsea ayaa wada xaajood wax ku ool ah kula jirta daafacooda Thiago Silva sida xogo ku dhaw maamulka  kooxda laga xigtay

Silva ayaa Chelsea  ugu yimid qaab xor ah  ka dib markii hishiiskiisa PSG uu dhameystay waxa ayna aheyd xilli ciyaareedkii 2019/2020-ka

Illaa iyo haatan waxa uu Chelsea uu saftay 21 kulan dhamaan tartamada waxa uuna ku soo muuqday heer ciyaareed aad loola dhacay taasi oo keentay in Chelsea hamiyaan hishiis cusub .

Laacibkaas 36 sano jirka ah oo ka sheeganaya dhaawac muruqa ah ayay haataan Chelse kula jirtaa wadahadalo wax ku ool ah  xilli ay ku rajo weyn yihiin in ka hor inta xilli ciuyaareedka dhamaan qalinka iyo warqadda uu is dul saaro.

Laacibkaas ayaa hishiiskiisa haatan waxa uu dhacayaa marka xilli ciyaareedka uu dhamaado balse waxaa jira qodob horay loogu hishiyay oo ah 12 bil kale uu ku soo darri karo

Silva waxa uu haatan qaataa mushaar todobaadkii gaaraya 110 kun oo gini , waxaana lagu wadaa in hishiiska cusub uu ku qaato mushaar intaas ka sareeyaa

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*