Arin Cadayn U Ah In Uu Thomas Partey Arsenal U Ciyaari Doono Kulanka Man City Oo La Ogaaday.

Thomas Partey ayaa la filayaa in uu ku bilowdo shaxda Arsenal kulanka Man City kadib markii uu xiddigu Kooxda Inteeda kale ula safray Magaalada Manchester.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa Arsenal ugu soo biiray 45 milyan oo euro maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii ay Gunners bixisay lacagtii lagu bur-burin karay heshiiskiisa.

Partey ayaa muddo 10 maalin ah ku maqnaa waajibaadka xulka qarankiisa isaga oo tababarka la qaatay kooxda Arsenal maalintii jimcihii.

Arteta ayaa sheegay in uu u baahanyahay samir ku aadan xiddiga ugu qaalisan kooxda xagaagan isaga oo aan xaqiijin in uu ku bilaaban karo shaxda Kulanka Man City.

Laakiin kadib markii uu xiddigu kooxda ula safray Manchester waxa la filayaa in uu ka qayb qaato kulanka caawa ee muhiimka ah.

Si kasta ha ahaatee ilaa haatan lama oga in uu xiddiga khadka dhexe ku bilaaban karo shaxda iyo in uu kaydka ka soo kici karo.

Sii Akhriso: Macalin U Dhashay Dalka France Oo Qoorta Laga Jaray Kadib Markii Uu Af-Lagaadeeyay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*