Arin Cadayn U Ah In Uu Thiago Alcantara Ku Dhawyahay Liverpool Oo La Ogaaday.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara ayaa lagu soo waramayaa in uu suuqa dhigay gurigiisa uu ka daganyahay Munich xilli ay wararkaas dabka ku sii shideen warar la xidhiidhinaya Liverpool suuqa xagaaga.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa Bayern Munich kula guulaystay 7 horaal Bundesliga ah tan ilaa markii uu kaga soo biiray Barcelona xagaagii 2013 laakiin waxa uu doonayaa in uu isaga tago kooxda xagaaga.

Bayern Munich ayaa doonaysay in ay xiddiga ku qanciso in ay heshiis cusub ka saxiixato iyada oo 12 bilood uga hadhsanyahay heshiiskiisa laakiin waxa ay u muuqataa kuwo aqbalay in uu xiddigu isaga tagayo kooxda.

Bayern Munich ayaa xaqiijisay in uu xiddiga reer Spain isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan diyaarna u yihiin in ay iibiyaan xiddiga.

Wargayska Sport Bild ayaa sheegaya in uu xiddigu haatanba suuqa dhigay guriga uu ka daganyhaay magalaada Munich taas oo dabka ku sii shiday wararka la xidhiidhinaya Liverpool.

Xiddiga ayaa la sheegayaa in uu haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Liverpool iyada oo kaliya haatan u hadhay in ay kooxda Bayern Munich kula heshiyaan saxiixa xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*