Argentina Oo Rigoorayaal Isaga Xaadirsiay Finalka Copa America , Brazil Ayay Isku Arakayaan

Aregentna ayaa iska xaadirsiay finalka Copa America ka dib ciyaar adag oo ay wada yeesheen Colombia

Labada qaran ayaa soo bandhigay ciyaar isu dheeli tiran waqtigii caadiga iyo kan dheerigana waxa ay ku dhameysteen bar bar dac min hal gool ah  ilaa rigoorayaal la isla aaday waxa ayna Argentina ku badiyeen natiijo ah 3/2

Weearar iyo weerar celis ayay aheyd , saaxibada Messi-na fursado xaqiiq ah ayay cuneen xill goolka uu yimid daqiiqadii 7-aad waxaana saxiixay Martinez xilli uu saxiixay Messi waxa uuan goolka bar bar dhaca yimid daqiiqadii 60-aad

Finalka waxa ay haatan isku arkayaan Brazil  , waxaana sanadkaan la daawanayaa kulan adag oo dhex maraya xiddigaa dunida ugu fiican ee Messi iyo Neymar

Guud ahaan , labadaan qraan wax aay hoay u kulmeen 35 jeer , Argentina ayaana badisay 20 kulan halka ay  dhaliyeen 76 gool

).

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*