Araujo Oo Daqiiqadihii Geerida Bad-baadiyay Barcelona , Guul Daro Cajiib Noqon Laheyn Ayuu Ka Soo Celiyay

Barcelona ayaa waqtigii  geerida ee dhamaadka ciyaarta waxa ay bar bar dhac la galeen Granada oo biloowgii gool uga naxsatay

Sheekada labada qeyb: Granda ayaa Barcelona nasiinada ugu dirtay hal gool oo nadiif ah inkastoo Barca guud ahaan ay maamulka kubadda haysteen xilli goolka laga dhaliyay daqiiqadii 2-aad

Barcelona dhan waliba ayay u ciqaabeen Granada kubadan uga haysteen hadana waxaa ka maqnaa abuuruista fursadaha saxda waxa ayna qeybtaas hore heerka kubad hayashada Barca gaaresyay %76

Barca inkastoo dhamaadkii fursado xaqiiq ah uu u diiday goolhayaha Granda hadana Arojo ayaa ahaa laacibka kaliya ee ugu halista badnaa qeybtaas

Barca waxa ay ka sheeganeysay qadka dhexe , waxa ayna kubadooda aheyd mid la aqrisan karay mana jrrin halis gilin muuqata ay sameynayeen xilli Granada sidoo kale u hor taagnaa goolhayaha Barca

Barca waxa ay daqiiqaddii 42-aad dhaawac ahaan u saareen Alejandro Balde oo lagu badalay Oscar Mingueza

Soo laabashadii Barca halis ayay ahaayeen waxaana ka go`anaa in watqi hore keeneen goolka bar bar dhaca balse goolhayaha Granada ayaa aad u foojignaa

Barca waxa ay oo laabashadii soo giliyeen Luuk de Jong oo loo saaray Sergi Roberto waxa ayna heerka kubad hayshada Barca gaareysay %78 halka Granada ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah .

Philippe Coutinho ayay Barca saareen daqiiqadii 60 iyadoo la soo giliyay da`yarka Pablo Gavira , waxaana xusid mudan in Barca u dhawaanayeen in shabaqa kooxda Granada ay booqdaan
Barca kaliya xalka goolka ayaa ka maqnaa si waliba ayay isku dayo u sameynayeen xilli Granada ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah waxa ayna daqiiqadii 75 soo giliyeen Ricard Puig iyo Gerard Piqu oo loo kala saaray Sergio Busquets iyo Yusuf Demir

Barca daqiiadii 77-aad kubad gool noqon laheyd ayaa birta kaga dhacday waxaana ka maqnaa nasiibka oo kulankaan waxaa dagaalamay Arojo balse waxaa u diiday goolhayaha Granada

Sheekada xiisasa leh ayaa in Gerard Piqu uu weerar ciyaarayay markii la soo giliya si kooxda uu wax ka bad baadiyo , waxa ayna ciyartat hal dhinac balse Barca waxaa ka maqnaa goolka ilaa ugu dambeyn uu dhaliyay  Araujo ka dib ka dib kubad cajiib oo madaxa ah taais oo timid daqiiqadii 89-aad xilli taageerayaasha Barca ay garoonka ka baxeen , waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay min hal gool.

Guud ahaan Barca iyaga ayaa maamulka kubadda kaga sareeyay Granada  balse nasiibka ayaa u diiday in ay  guul gaaraan

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*