
Antony ayaa sheegay inuu dib u helay naftiisa ka dib markii uu ka tagay Manchester United.
Antony waxa uu si amaah ah ugu biiray kooxda ka dhisan La Liga ee Real Betis intii lagu jiray suuqii January waxana uu si fiican ugu bilaawday Spain.
Isagoo dhaliyay goolkiisii seddexaad oo xiriir ah kulankii ay axadii 3-0 kaga badiyeen Real Sociedad horyaalka, ciyaaryahanka reer Brazil ayaa shaaca ka qaaday inuu mar kale faraxsan yahay.
“Aniga ahaan waxa ay aad muhiim ugu ahayd in aan si fiican ku bilaabo,” Antony ayaa u sheegay RTV
“Mar kale ayaan is helay, marka aan faraxsannahay, markaan farxad ku shaqeyno, arrimuhu si dabiici ah ayay u yimaadaan”.
“Maalin walba waxaan toosaa anigoo dhoola cadeynaya, waxaana seexdaa anigoo dhoola cadeynaya, taas ayaana aniga ii ah waxa ugu muhiimsan.”
Be the first to comment