Antony, Gordon, Kvaratskhelia, Alvarez, De Gea Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Man United ayaa ku rajo weyn in ay Antony ka iibiso Besiktas inta lagu jiro suuqa xagaagan laakiin kooxda reer Turkey ayaa diiday in ay iibsato xiddiga (Turkish Football).

Chelsea ayaa weli xiiseyneysa saxiixa weeraryahanka Juventus Federico Chiesa, laakiin Tottenham Hotspur ayaa ka baxday tartanka (Football Insider).

Wakiilka Aymeric Laporte ayaa ku wargaliyay Al Nassr inuu doonayo inuu ka tago oo uu ku laabto Spain si uu ugu biiro Real Madrid (Al Yaum).

Kooxda Barcelona ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karto xiddiga garabka uga ciyaara Napoli ee Khvicha Kvaratskhelia hadii ay awoodi waayaan in ay dhamaystiraan heshiiska xiddiga kooxda Athletic Club ee Nico Williams (El Nacional).

Arsenal ayaa xiiseyneysa weeraryahanka Brighton & Hove Albion Joao Pedro, iyadoo bartilmaameedyadooda kale – Williams, Benjamin Sesko iyo Eberechi Eze – la rumeysan yahay inaysan gaari karin (Football Transfers).

Bayern Munich ayaa la rumeysan yahay inay PSG kaga horreyso tartanka loogu jiro Desire Doue, iyadoo garabka Rennes uu u janjeero inuu u dhaqaaqo Allianz Arena (Sky Sport Germany).

Tababaraha kooxda Liverpool Arne Slot ayaa doonaya in kooxdu ay la soo wareegto 3 saxiix oo kala daafac dhexe, xiddig garabka ah iyo xiddig khadka dhexe ah (Fichajes).

Manchester City ayaa 80 milyan ka dalban doonta kooxaha xiiseynaya haddii ay iibinayaan Julian Alvarez ka hor inta uusan xirmin suuqa. Atletico Madrid ayaa wadahadalo kula jirta wakiilada weeraryahanka (Caughtoffside).

Goolhayihii hore ee Man Utd David de Gea ayaa laga yaabaa in loo soo bandhigo wadadii uu ugu soo laaban lahaa ciyaaraha iyada oo Fiorentina doonaysa saxiixiisa (Matte Moretto).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Newcastle ee Anthony Gordon ayaa shaqo joojin samayn doona si uu ugu qasbo in uu ku biiro Liverpool (90min).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga