Antonio Rudiger Oo Magacaabay Labada Xul Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Koobka Adduunka.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Antonio Rudiger ayaa sheegay in xulalka Brazil iyo France ka mid yihiin xulalka Germany kula tartami doona koobka adduunka Qatar 2022.

Isagoo wareysi siinayay wargayska Sport1 Rudiger ayaa sheegay in Germany ka mid tahay xulalka u tartami doona koobka adduunka laakiin uuna xulkiisu ahayn mid ugu cad-cad ku guulaysiga koobka.

“Dabcan, ku guulaysiga koobka adduunka waa ujeedkeena laakiin waxa aan arkaa xulalka Germany kaga cad-cad ku guulaysiga koobka ma ahan arintaas in la qariyo”ayuu Rudiger yidhi.

“Anigu ma lihi xulka Germany ayaa ugu cad-cad ku uulaysiga koobka adduunka laakiin waxa aan ka mid nahay xulalka u tartami kara”ayuu sii raaciyay.

Markii la waydiiyay xulalka Germany kaga horeeya ku guulaysiga koobaka adduunka ayaa yidhi”France iyo Brazil waxa ay haysteen xiddigo heer sare ah labadaas xul ayaan u arkaa in ay Germany kaga horeeyaan ku guulaysiga koobka adduunka”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*