Antonio Rudiger Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Chelsea & Xiisaha Bayern Munich.

Antonio Rudiger ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay xiisaha kooxda Bayern Munich laakiin uu ku faraxsanyahay Chelsea waliba uu si buuxda diirada u saarayo xilli ciyaareedka socda.

Xiddiga 28 jirkan ayuu heshiiskiisa chelsea dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan sidaas darteed waxa uu heshiis la qaadan karaa kooxda uu doonayo marka la gaadho suuqa January.

Kooxda Bayern Munich ayaa xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga reer Germany kaas oo door weyn ka qaatay ku guulaysigii chelsea ee champions league xilli ciyaareedkii hore.

Markii wax laga waydiiyay xiisaha Bayern Munich ayuu yidhi”Waxa aan fiicnaan ku dareemayaa chelsea iyo halka aan joogo, oo aan ku qanacsanahay”.

“Xiisaha Bayern Munich sharaf ayay ii tahay sababta oo ah waxa ay muujinaysaa in aan shaqo fiican qabtay dhawaan laakiin ima jeedinayso”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*