Antonio Rudiger Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Chelsea

Daafaca dhexe ee kooxda Chelsea Antonio Rudiger ayaa lagu soo waramayaa inuu iska diiday heshiis cusub oo uu ku sii joogi lahaa Stamford Bridge, xilli uu ku dhow yahay dhamaadka heshiiska uu kula jiro Blues.

Heshiiska xiddiga reer Germany ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan taas oo keenaysa in uu heshiis hordhac ah la sii galo koox kasta oo uu doonayo suuqa January kadib xor ugu biiro xagaaga.

Kadib markii uu champions League kula guulaystay Chelsea, xiddiga 28 jirka ah ayaa la sheegayaa in uu doonayo in uu qaab xor ah uga tago kooxda dhamaadka heshiiskiisa.

Sida laga soo xigtay wargayska MARCA, Wakiilada Rudiger ayaa haatanba wadahadalo la qaatay kooxaha Bayern Munich iyo Real Madrid iyadada oo labada kooxoodba diyaar u yihiin in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga

Rudiger ayaa sidaas darteed iska diiday heshiiskii cusbaa ee ugu dambeeyay ee ay Chelsea u soo bandhigtay si uu kooxda qaab xor ah uga tago marka uu dhoco heshiiskiisu.

Sii Akrhriso: Gabadheey, Ma Doonaysaa In Aad Guul Ka Gaadho Nolosha Guurka, Ma Doonaysaa In Aad Farxad Kula Noolaato Gacaliyahaaga, Iska Ilaali In Aad Ogolaato Guurka 6 Nooc Ee Ragga Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*