Antonio Rudiger Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo Xagaaga.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Antoino Rudiger ayaa ugu dambayn doortay kooxda uu ku biiri doono xagaaga kadib xiiso uu ka helay kooxaha Juventus, Real Madrid iyo Bayern munich.

Heshiiska Rudiger ee chelsea ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu isaga tagi doonaa kooxda Blues kadib markii ay kooxdu ku fashilantay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.

Chelsea ayaa doonaysay in ay sii haysato Rudiger laakiin Waxa ay diiday in ay ogolaato lacagta uu dalbanayo xiddiga reer Germany.

Xiddiga reer Germany ayaa doortay in uu ku biiro kooxda Juventus isaga oo iska diiday kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich sida laga soo xigtay wargayska The Mirror.

Kooxda Juventus ayaa Rudiger miiska u saartay mushaharka uu ka dalbanayay kooxda chelsea taas oo ku qancisay in uu doorto Juventus xilli ay kooxaha kale diideen in ay siiyaan lacagta uu doonayo.